What do the Somali people expect from their new president?
Cabdullaahi Sanbaloolshe, oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Hiiraan, ayaa sheegay in Farmaajo xoqonayo kaarkiisii ugu danbeeyay ee isku dirka beelaha iyo kala qeybinta bulshada si uu u fashilyo jadwalka doorashada.
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka Hiiraan, gaar ahaa beesha tabashada qabta ee gobolka u badan, ayaa sheegay in Farmaajo ballaariyay dhagartiisa ku qotonta “Qeybi oo xukun” si uu u boobo kuraasta taalla Baladweyne.
Sanbaloolshe, oo si adag kaga soo horjeeda, qaabka uu wax u wado Farmaajo, ayaa xusay, Madaxweynihii hore uu doonayo inuu iska horkeeno beelaha degaanka deggan, si uu u kala qeybiyo bulshada walaalaha ah, kadibna u xukumo dadka oo dulleysan iyo degaanka oo dandareysan.
Wuxuu carabaabay in Farmaajo doonayo inuu Hiiraan ka dhigo Gedo oo kale, wuxuuna dadka gobolkas ka soo jeeda ugu baaqay in aysan oggolaan in Biixi iyo ciidanka uu wato ka arrimiyaan magaalada, isla-markaana ku sii sugnaadaan Bladweyne.
Wuxuu sheegay inuu gobolka tagay nin ka yiraahdo Biixi, oo xoog Gedo ku heysta, kana gooyay Jubballand, taas oo macnaheedu tahay qabiilka Farmaajo ee deggan halkaas ayaa diiddan in Kismaayo laga xukumo, sidaas oo kalena ay rabaab in ay Hiiraan u maamulaan.
“Xawaadlow ha qaadanina, hana oggolaanina in Biixi sida uu Gedo uga taliyo oo kale uu Baladweyne u xukumo, Cali Guudlaawe iyo Hirshabeelle, wax badan ayaa idin ka dhaxeeya, Farmaajo ayaa sharaftiinna hoos u dhigay oo xilkii MW beel kale siiyay, caasimaddiina idiin diiddan, oo dadkiinna oo dhanna maanta meel lagu sheego aysan jirin, dagaalku wuxuu idin kala dhaxeeyo waa Farmaajo”, ayuu yiri Sanbaloolshe.
Taliyihii hore ee NISA, ayaa xusay in ay hoos u dhacaday rajadii uu Farmaajo ka qabay doorashooyinka, isla-markaana uu doonayo, inuu helo goob uu rabsho siyaasadeed ka kiciyo, si dib u dhaca doorashooyinku u sii siyaado, wuxuuna dadka degaankaas ugu baaqay in ay ka foojignaadaan dhagarta loo maleegayo.
"Ciidanka sida lama filaanka ah oo dhiillada leh loo geeyay Baladweyne raalli kama nihin, ciidanku meeshaas uma tagin qaraabo salaan, uma aysan tagin doorasho in ay hagaajiyaan, uamna tagin Al-Shabaab in ay la dagaallamaan, balse boob doorasho ayaa loo geeyay”, ayuu yiri Sanbaloolshe.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments