Farmaajo oo ugu baaqay DFS inay ‘Wadahadal’ la furto Al shabaab {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxmed C/laahi Maxamed”Farmaajo” ayaa ka hadlay Dilkii Axmed Godane iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga faa’ideysan karto Dhimashada.
Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ugu baaqay DFS inay ‘Wadahadal’ la furto Al shabaab {Dhageyso}

Maxmed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay Dib u sheshiisiin ay la gasho Al-shabaab kuwa nabada ogol islamarkaana looga faa’ideysto Dhimashada Axmed Godane,si loo dhameeyo Al-shabaab.

“45-tii Cisho ee Dowladda Soomaaliya ay u qabatay Al-shabaab in ay isku soo dhiibaan  kuma Filna,waxaa loo baahan yahay dib u heshiisiin furan oo Al-shabaab lala galo si loo Ciribtiro Al-shabaab”ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in Dhalinyarada u dagaalanta Al-shabaab ay yihiin Dhalinyaro Soomaaliyeed islamarkaana lagu dadaalo sidii looga soo reebi lahaa Al-shabaabka Maskaxda ka qalday,iyadoo loo marayo qaab dib u heshiisiineed.

Keydmedia Online - Radio Kulmiye