Mas’uuliyinta Maamulka Khaatumo “Faroole ayaa ka danbeeyey Dagaalkii Sool”

Laascaanood (KON) - Xili Shalay Deegaano ka tirsan Gobolka Sool uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo ka kala jeeda Puntland iyo Khaatumo ayaa waxaa si kulul oga hadlay Maamulka Khaatumo.
Warar Keydmedia Online
Mas’uuliyinta Maamulka Khaatumo “Faroole ayaa ka danbeeyey Dagaalkii Sool”

Max’ed Yuusuf Indha-sheel oo ka mid ah Mas’uuliyinta Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in Dagaalkaasi uu ahaa Mid uu soo abaabulay Faroole islamarkaana uu doonayo in uu Xoog ku qabsado Gobolka Sool.

Mr. Max’ed ayaa tilmaamay in Faroole iyo xulufadiisa ay waayihii danbe wadeen Qorsheyaal la is kaga hor keenayo Shacabka Khaatumo, taasna aysan u dulqaadan doonin.

“Shalay waxaa weerar nagu soo qaaday Ciidamada Faroole, waxaa ay dileen Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan, Faroole waxaa uu doonayaa in uu tir tiro magaceena, kana yeelimeeyno” ayuu yire Mr.Indha-sheel.

Dhanka kale Wararka Saaka Keydmedia Online ay ka heleyso Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa ku waramaya in Xiisad Dagaal ay wali ka taagan tahay.

Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Qeybo kamid ah Gobolka Sool ayaa wali isku hor fadhiya Goobo aan ka kala fogeen, ayadoona markasta la filan karo in ay dagaalamaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo