Faroole oo sheegay inuu Ethopia u Gacan galin doono Dadka u dhashay Kililka 5aad

Gaalkacyo (Keydmedia) - C/raxmaan Faroole Gudoomiyaha Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Maamulkiisu iyo midka Ra'iisul Wasaare Males Zenawi ay ka wada hadleen sidii Dadka Soomaalida ah ee ka soo jeeda gobbolka Ismaamulka Soomaalida Ethopia ee magangalyada u soo raadsaday walaalahooda Puntland loogu gacan galin lahaa Xukunka Guumeystaha Ethopia.
Warar Keydmedia Online
Faroole oo sheegay inuu Ethopia u Gacan galin doono Dadka u dhashay Kililka 5aad

Mr Faroole waxaa uu sheegay in Ethopia ay ku heshiiyeen sidii ay Puntland ugu gacan galin lahayd dad uu sheegay inay lidi ku yihiin amaanka labada dhinac kuwaasoo uu sheegay in ku sugganyihiin gudaha Puntland, kuwaasoo uu ula jeedo dadka Soomaalid ah ee ka soo jeeda dhulka ay Ethopia guumeysato ee Kalinka Shanaad, waxaana Faroole uu hadalkaan jeediyay xili uu ku soo laabtay magaalada Groowe.

Waxaa uu sheegay inaysan marnaba aqbali doonin dadka dambiyada ka soo gala Ethoipia ee ku soo dhuumanaya dhulka Puntlanad.

Sikastaba, tani waxaa ay tulsaale u tahay dad badan oo arxan moodi jiray Faroole, waxaana cadaatay in Faroole uusan wax naxariis ah u hayan umada Soomaalieed meelkasta oo ay joogaan.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho