Faysal Cali Waraabe iyo Cali Kh. Galeyr oo Erayo laga Xishoodo hawada isku mariyey

Moqadisho (KON) - Faysal Cali Waraabe oo ah Nin hadalkiisa meel dheer gaarsiiya ayaa u Hambalyeey heshiiska hor dhacaa oo lagu daadihinayo wadahadalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo ka bilawday Dalka Turkiga.
Warar Keydmedia Online
Faysal Cali Waraabe iyo Cali Kh. Galeyr oo Erayo laga Xishoodo hawada isku mariyey

Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxuu yiri “G/miyaha B/maanka F. Soomaaliya Jawaari ayaa  is hortaagey in Ajandaha Barlamaanka lagu daro in laga hadlo heshiiska Khiyaanada iyo Qabyaalada ku saleysan oo ay soo wada galeen kooxda Xasan Culusoow iyo Hogaamiyaasha Jabhada S.N.M. Shirka Turkiga ka dhacayna waxuu ahaa mid Qiyaano Qaran”.

F. Cali Waraabe oo u Jawaabay Profesoor Cali Khaliif ayaa asna markiisa yiri: "Galeyr, waxuu wax ka digaa Jaamacada ay ka soo Qalinjabiyeen Gab-Gableyaalka Dagaalka oo ay isku Beesha yahiin waxuuna kala garan la yahay Qabiilkiisa iyo wada hadal dhex mara labo Dawladood; Soomaaliya iyo Soomaaliland, malaha waxaa ka go’ay Shilimaadkii u safri jiray”.

Xildhibaan C/nasir Aw Cilmi ayaa asagoo hadalkiisu xooga Qosal ah ku jiro, ayaa Keydmedia Online Khadka Telefoonka ugu sheegay Akhbaartaan oo aha mid aan laga fileyn Rag loo hanweynaa oo waliba loo haystay in ay yihiin Keydka Soomaaliyeed.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi