FEIT oo caawa laga sugayo shaacinta xildhibaannada

Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Fahad Yaasiin, wuxuu ku fashilmay is ku day uu doonayay inuu ku kala jabiyo Guddiga her Federaal, kadib markii FEIT ka hor timid is-boqriddiisa, wuxuuna hadda cadaadis saarayaa Guddoonka si ay kursiga u fasaxaan.

News Keydmedia Online
FEIT oo caawa laga sugayo shaacinta xildhibaannada

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Doorashooyinka heer Fedraal [FEIT], ayaa caawa laga sugayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada kama danbeysta ah ee Xilidhibaannada Labada Aqal, ee liiskooda ay soo wareejiyeen Guddiyada SEIT.

Sida ku cad,  jadalka guddiga doorashooyinka ee 15 bishaan soo baxay, 31-ka Maarso oo maanta ku beegan ayaa loo madlay shaacinta natijada rasmiga ah ee xildhibaannada ilaa hadda soo baxay, waxaana guddiga laga war sugayaa ilaa caawa.

Xogo ay heshay Keydmedia Online, ayaa sheegaya, in guddigu isku fahmi la’yihiin kuraasta qaarkood, gaar ahaan kuwa hore loo diiday natiijadooda, waxaana jira in ay xubno ka mid ah FEIT u istaageen difaaca eedeysane Fahad Yaasiin.

Dhamaan Guddiyada SEIT, ayaa Guddiga Doorashooyinka heer Fedraal, ku wareejiyay, galalka xildhibaannada ilaa hadda la doortay, waxaana la filayaa in labada April, Xildhibaannada loogu yeeri doono in ay soo xaroodaan.

11-ka April, ayaa FEIT, laga sugayaa in xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ku wareejiyaan, xogta iyo Liiska Xildhibaannada cusub, halka Guddiga Doorashooyinku ay 14-ka April u asteeyeen dhaarinta xildhibaannada.

Waxaa sii xoogeysanaya xogaha la xariira in doorashooyinku aysan u qabirnaan doonin, kuraasta dhiman, gaar ahaan kuwa Garbaharreey oo la rumeysan yahay in aysan soo idlaan karin ka hore 14-ka bisha soo socota ee April.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga doorashooyinka heer Fedraal, ayaa la aaminsan yahay in aysan bixin doonin shahaadada ugu yaraan afar kursi, kuwaasoo uu ka mid yahay Kursiga Fahad Yaasiin.

Guddiga Doorashooyinka (FEIT), waxa ay 21 February 2022, si cad u diideen, boobkii Fahad Yaasiin ku qaatay kursiga HOP086, 20 February, halka ay xilligaas ka hor hakiyeen doorashada kursiga, lamina filayo inuu ka soo muuqdo liiska la shaacinayo.

Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Fahad Yaasiin, wuxuu ku fashilmay is ku day uu doonayay inuu ku kala jabiyo Guddiga her Federaal, kadib markii FEIT ka hor timid is-boqriddiisa, wuxuuna hadda cadaadis saarayaa Guddoonka si ay kursiga u fasaxaan.

249 kursi oo 51 dumar yihiin, ayaa ilaa hadda dooran, kuraata Golaha Shacabka, waxayna  90.5%, boqolkiiba ka yihiin tirada Golaha oo ah 275 kursi, 4 kursi oo FIEIT hakisay ayaa ku jira, waxaana dhimman doorashada 26 kursi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.