Fiqi: Awoodda RW Rooble waxaa soo celiyay 4 degmo & Musharaxiinta

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS islamarkaana ah wasiirka Amniga gudaha Galmudug ayaa ka hadlay go'aankii Farmaajo uu ka hor sheegay Golaha.

Warar Keydmedia Online
Fiqi: Awoodda RW Rooble waxaa soo celiyay 4 degmo & Musharaxiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Fiqi ayaa taxliiliyay go'aankii Farmaajo uu qaatay maanta, isagoo marka hore tijaabiya go'aankiisa ayuu haddana dib ugu soo laabtaa talada dadka kale usoo jeediyaan isagoo Tanaasul ku sheega!

Fiqi ayaa yiri "Oday Farmaajo bil ka hor markii teendhada Afisyoone la fadhiyey qodobadii uu diiday ayuu maantay ogolaaday ka dib markii uu tijaabiyey in aan dalkaan Xoog iyo qori caaradii lagu qabsan karin. 

Shirkii Dhuusamareeb 4 wixii uu ku diidayna 2 todobaad ka dib ayuu Baydhabo ku ogolaaday, wuxuu iska jecel yahay wax aan soconayn in uu isaga dhego ka dibna si fudud uga fuqo, kuna darsado liiska tanaasulka.

Wiilasha Xaafadaha Kaaraan, Yaaqshid, Hodan iyo Hawlwadaag ayaan aaminsanayay in ay mar hore u codeeyeen in heshiiskii 17 September loo noqdo, wixii maantay aan golaha shacabka ku aragnayna waxay ahaayeen odoga maryaha halagu celiyo. 

Khudbada Farmaajo waxa kaliya ee laga qaadan karo waa inuu Raysulwasaare Rooble ku wareejiyey mas’uuliyadda doorashada iyo amniga dalka. 

Waxaan rajaynayaa in Md. Rooble uu waajibkiisa si dhexdhexaad iyo daahfurnaan u guto, dalkana uu u horseedo in ay ka dhacdo doorasho la isla wada oggol yahay. Farmaajo oo Musharax ah iyo musharixiinta kalena uu u dhexeeyo isku sina ula macaamilo.

Awoodda Xafiiska Rooble waxaa soo celiyey Afarta degmo iyo midowga musharixiinta intoodii dabka gashay!.

Oday Farmaajo nasiino wacan ayaan u rajaynayaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].