Fiqi: Gabadheena Ilhaan Cumar ma haboona inaad afhayeen u noqoto Al-Shabaab

Ilhaan Cumar oo asalkeeda Soomaali yahay ayaa dood ka keentay duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Koonfurta Mudug.

Warar Keydmedia Online
Fiqi: Gabadheena Ilhaan Cumar ma haboona inaad afhayeen u noqoto Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa u jawaabey Ilhan Cumar oo kamid ah Congress-ka Mareykanka kadib markii ay su'aallo ka keentay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Mudug, kuwaasoo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka AFRICOM.

Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: "Waxaa haboon in Ilhaan Cumar ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed".

Wasiirka ayaa fariinta uu u diray Ilhaan ugu sheegay in duqeynta aysan waxba ku noqon dad shacab ah, islamarkaana ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen rag katirsan Al-Shabaab oo uu sheegay inay ahaayeen kuwii qorsheeyay weerarkii June 27 lagu qaadey saldhiga Ciidanka DF ee Wisil.

"Aniga ayaa dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Fiqi ayaa kula taliyay Ilhaan in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gunaanuday: Dumaashi dagaalka nala soo gal!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.