G/miyaha Bangiga Dhexe: Lacag aan nasoo gaarin bay nagu Edeynayaan

Muqdisho (KON) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayey Kooxda lagu Magacaabo Monitoring Group ee hostagta Q/M ay ku edeysay Musuq Maasuq Maliyad Bangiga Dhexe is daba marsiiyey.
Warar Keydmedia Online
G/miyaha Bangiga Dhexe: Lacag aan nasoo gaarin bay nagu Edeynayaan

 Gudoomiyaha Bank dhexe ee Soomaaliya Dr.C/salaan Cumar Hadliye aya ku Jawaabey in eedeyntan ka timid Kooxdaas Monitoring Group oo ayadu lafteedu ay Marar badan wax Isburinaya soo Qortay ay tahay mid ay ku deg degen. Warbixintuna ay tahay mid been abuur ah isla markaana uu G/miyuhu sheegey in deeqaha Soomaaliya laga balan qaaday eysan soo gaarin Dowlada, sidaas daraadeedna aysan soo gaarin weliba Bank dhexe.

C/salaan Cumar Hadliye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in wadan ay dhaqaalo xumo shaqo la’aan intaba ay ka jirto lagu tilmaano mid lacagaha lunsadda siiba Lacag Balan qaad ah oo Afka kaliya laga sheegay.

Keydmedia.net