Gaalkacyo oo si weyn looga xusay dhalashada Nabi Maxamed CSW

Dunida islaamka ayaa maanta oo ku beegan 12 Rabiicul Awal, (bisha Mowliid) waxaa laga xusayaa dhalashada Nabi Maxamed CSW,

Warar Keydmedia Online
Gaalkacyo oo si weyn looga xusay dhalashada Nabi Maxamed CSW

GAALKACYO, Soomaaliya - Magaalada Gaalkacyo ee Xurunta Gobolka Mudug, ayaa maanta lagu dhigay dibad-baxyo waaweyn iyo munaasabado lagu soo dhaweynayo, isla-markaana lagu weyneynayo dhalashada Nabigeenna Muxamed [NNKH].

Dad shacabka ah, oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu weyneynayo Nabageenna Muxamed, CSW, ayaa socod ku maray waddooyinka magaalada, waxayna ku luuqeynayeen qasiiddooyin Nabi amaan ah.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in shacabka magaalada Gaalkacyo oo mideysan ay dhigeen munaasabad lagu weyneynayo dhalashada Suubanaheena NNKH.

“Gaalkacyo oo midaysan oo wada xusaysa weynaynta munaasabadda dhalashada Suubanaheena nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee. Waa fariin nabadeed oo loo dirayo inta nabadda jecel iyo mid fikradeed oo loo diraya khawaarijta lunsan iyo fikirkooda qalloocan in uusan xididdo ku lahayn gobolka Mudug.” Ayuu Fiqi.

Dadka oo dhan ayaa si weyn looga dareemayaa u badaal-degga iyo weyneynta dhalashada Nabiga SCW.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.