Gabar Ninkii qabey ku dishay Qardho, Puntland

Marxuumka la dilay ayaa ahaa 35-jir, iyadoo falkuna uu ka dhacay Xaafada Kaambo ee degmada Qardho, waxana dhaawac ahaan loo geeyey isbitalka degmadaasi, oo uu ugu danbeyn ku geeriyooday.

Warar Keydmedia Online
Gabar Ninkii qabey ku dishay Qardho, Puntland

QARDHO, Soomaaliya- Gabar ku noolayd Magaalada Qardho ayaa halkaasi ku dishay sayigeedii, waxana dhacdadan ay noqotay mid hadal heyn badan ka dhex abuurtay deegaannada Puntland iyo baraha bulshada gaar ahaan mareegta Facebooga.

Gabadha dilka gaysatay ayaa lagu magacaabaa Farxiyo Ismaaciil, waxana sayigeeda oo lagu magacaabi jiray Aweys Cali Nuur ay ku dishay tooreey, sida ay xaqiijinayaan wararka aanu helayno.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa 35-jir, iyadoo falkuna uu ka dhacay Xaafada Kaambo ee degmada Qardho, waxana dhaawac ahaan loo geeyey isbitalka degmadaasi, oo uu ugu danbeyn ku geeriyooday.

Dilka ayaa yimid, kadib khilaaf arrimo qoys ah oo maal-mihii ugu danbeeyey ka dhaxeeyey wiilka iyo gabadha, kuwaasoo 7-dii sano ee ugu danbeysay ahaa lamaane wada nool.

Marxuumka ayaa ifka uga tagay 4 caruur ah, kuwaasoo ka dhex beermay waayihii ay wada noolaayeen gabadha uu iminka gacanteeda sababsaday.

Booliska Qardho oo tagay halka uu fal danbiyeedku ka dhacay, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen gabdhii sayigeeda dishay, taasoo hadda ku xiran saldhiga degmadaasi.

Arrintan ayaa xiisad ka dhex abuurtay, labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan gabadha iyo wiilka, waxana laga cabsi qabaa in dhacdadaasi ay galaafato nolosha xubno kale oo qoysaskaasi ka tirsan.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah falalka naxdinta iyo an-fariirka leh ee xilliyadii ugu danbeeyey ku soo badanayey bulshada Soomaalida dhexdeeda, waxana loo sababeeyaa caqabadaha heysta nidaamka dowladnimo, waxana dhacda in kiisaskan oo kale lagu xaliyo geed hoostiisa, taasoo meesha ka saareysa kaalintii garsoorka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE 
 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.