Gabar lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (KON) - Koox Hubeeysan ayaa Xalay Xaafada Mahad Alle ee Degmada Yaaqshiid ku Dilay Gabar Ardayad ah oo ka mid aheyd Dadka Degmada Yaaqshiid.
Warar Keydmedia Online
Gabar lagu Dilay Muqdisho

Gabadha ayaa lagala Baxay Gurigeeda oo ku yaala Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana Dad Goobjoogeyaal ah ay Keydmedia online u sheegeen in Ilaa 4 Dableey ah ee Xalay Gabadha Guriga kala Baxeen, Kufsadeen, ka dibna ay Toogteen.

Alle ha unaxariistee Gabadha ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nafiso Cismaan, waxaana Dhawaan ay ka Qalin jabisay Jaamacada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Cida Dishay Nafiso ayaan ilaa iyo hada la ogeyn, inkastoo Goobjoogeyaasha ay sheegeen in Dadka Dilka Geeystay ay Afafka u Duubnaayeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka wada Degmada Yaaqshiid oo ay ku baadi goobayaan Dadkii Falkaan dilkaa u geeystay Gabadha Ardayadaa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho