Galmudug oo gacanta ku dhigtay Saraakiil katirsanaa Ahlu Sunna

Waxgaradka ka soo jeeda Galmudug ayaa ku baaqaya in xaalada la dajiyo, isla markaana wada hadal lagu dhameeyo tabashada jirta, si loo baajito dhiig kale oo qubta.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo gacanta ku dhigtay Saraakiil katirsanaa Ahlu Sunna

GURICEEL, Soomaaliya - Saddex sarkaal oo katirsan Ahlu Sunna, kuwaasi oo ku dhaawacmay Dagaalkii Maanta, lana geeyey isbitalka Gaalkacyo ayay Galmudug soo bandhigtay.

Saraakiishan ayaa laf dhabar u ahaa dagaalka Ahlu Sunna uga soo horjeedo Galmudug, waxaana Isbitaalka la dhigay uga daba-tagey Saraakiil Militeri, oo soo bandhigay sawiradooda.

Saraakiisha oo magacyadooda lagu sheegay Cali Xade, Maxamuud Tashade iyo Cali Faarax ayaa dhaawacyo halis ah waxuu ka soo gaaray dagaalkii maanta ka dhacay Waqooyiga Guriceel, iyadoo qaarkood ay weli koomo ku jiraan.

Gudaha Guriceel Meydadka iyo dhaawacyada ayaa noqday kuwa tira beelay, waxaana buuxsamay xarumihii Caafimaadka, taasoo qasabtay in dhaawacyada loo weeciyo dhanka Gaalkacyo.

Waxgaradka ka soo jeeda Galmudug ayaa ku baaqaya in xaalada la dajiyo, islamarkaana wadahadal lagu dhameeyo tabashada Ahlu Sunna, si loo baajiyo dhiig kale oo micna darro u qubta.

Xaaladda Guriceel ayaa wali kacsan, iyadoo hinacyadu dirirtu ka dhex oogan tanay meelaha qaar rasaas isku ridaya, waxaana weli banaanka Degmada Barakac ku jooga dadkii ka barakacay magaaladda, kuwaasoo iyagana xaalad adag wajahaya.

Lama oga xiliga rasmiga ee ay soo idlaaneyso colaada maalintii labaad gashay ee u dhaxeysa Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug, iyadoo sii socoshada dagaalku uu horseedi karo khasaare kale oo hor leh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.