Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Maamulka Galmudug ayaa maamul cusub u magaacabay degaanka Wisil ee gobolka Mudug.
WISIL, Soomaaliya - Waraaq ka soo baxaday Xaafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Goboleedka Galmudug ayaa guddi ku meel gaar ah loogu magacaabay degaanka Wisil oo ka tirsan degaanada maamulkaas.
Guddigan la magacaabay waxa ay ka kooban yihiin 13 xubnood, waxaana loo igmaday in ay ka shaqeeyaan danaha degaanka.
Wisil waa magaalo ku taalla Koofurta Mudug waxayna u dhexeysaa magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo.
Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee waxaa loo magacaabay Cali Xasan Guleed, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Cabdi Garaad Cumar Maxamuud.
Dadka ku dhaqan degaanada Bacadweyn, Shabelow Iyo Cimaamad ayaa aad uga cabanayay maalmihii la so dhaafay dhibaatooyinka Kooxda Al-Shabaab.
Shacabka ku dhaqan Tuulada Cimaamad oo Wisil hoos tagta iyo Al-Shabaaab ayaa dhawaan ku dagaalamay halkaas kadib markii Al-Shabaab shacabka ku amreen bixinta xoolo ay ugu yeereen sakawaad.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments