Galmudug oo Xukun maxkamadeed ku riday Kalluumeysato

Maxkamadda gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa xukunno adag ku ridday Kalluumeysato udhalatay waddanka Yeman oo lasoo qabtay kaddib kalluumeysi sharci darro ah oo ay ka wadeen biyaha Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo Xukun maxkamadeed ku riday Kalluumeysato

GAALKACYO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Mudug ayaa xukunno adag ku ridday Ajaanib si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Soomaaliya gaar ahaan dhulka ay Galmudug maamusho ee udhaxeeya Xeebaha Hobyo iyo Xarardheere.

Maxkamadda ayaa ganaax lacageed dul dhigtay kalluumeysatada iyadoo midkiiba lacag gaareysa $700 (Toddobo boqol oo doolar) ku xukuntay. Ragga lasoo qabqabtay ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayay ayaa ahaa 31 ruux.

Kalluumeysatadan oo kaoo jeedda dalka Yeman ayaa sanadihii u dambeeyay oo dhan si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Soomaaliya iyadoo dhowr jeer oo hore ay soo qabqabteen maamullada Puntland iyo Somaliland, waxaana horay loogu riday xukunno kala duwan.

Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa tiro ahaan gaarayay 39 ruux hase ahaatee 8 ruux oo iyaga ka mid ah ayaa ah Caruur sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu, waxaana xukunka uu ku dhacay 31 -ka kale ee ah dad waa weyn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.