Galmudug: Wasiir xilka looga qaadey xiisad beeleed uu abuuray

Galmudug ayaa wajahaysa khilaafyo siyaasadeed iyo colaad beeleedyo, iyadoo Qoor-Qoor uu noqday nin ka maqan xafiiskiisa, oo saldhig ka dhigtay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Galmudug: Wasiir xilka looga qaadey xiisad beeleed uu abuuray

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Maxamed Jaamac [Cabdi Waayee], ayaa laga qaadey xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, isagoo lagu eedeeyay howl-gudasho la'aan.

Warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista Cabdi Waayeel, oo sida ay Keydmedia Online wararka ku helayso shaqadiisa ku waayay xiisad uu ka dhex abuuray beelaha degan Balanballe.

Wasiirka ayaa ka wadey mudooyinkii dambe degaanka Balanballe howlo lagu dhisayo Golle degaan, iyadoo ay beelaha isku khilaafeen hanaanka ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug u martay iyo sida xubnaha loogu qeybiyay.

Waxaa dhismaha Gollaha degaanka dood sidoo kale ka keenay xubno katirsan maamulka Galmudug, kuwaasoo ashtako u gudbiyay Qoor-Qoor oo Muqdisho ku maqan, waxaana laga soo saarey amar ah in Wasiirka uu joojiyo howsha.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaan dheg-jalaq u siinin amarka madaxda ka sareysa, wuxuuna dhaariyay Golle degaanka oo dooda ay ka taagan tahay, iyadoo ay abuurtay xaaladda colaadeed oo khatar gelinaysa dib u heshiisiinta dhawaan laga sameeyay Balanballe.

Galmudug ayaa wajahaysa khilaafyo siyaasadeed iyo colaad beeleedyo, iyadoo Qoor-Qoor uu noqday nin ka maqan xafiiskiisa shaqo ee Dhuusamareeb, waxaana lagu eedeeyay inuu saldhig ka dhigtay Muqdisho, islamarkaana noqday nin u shaqeeya Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.