Galmudug: Xildhibaan laga mamnuucay fadhiyadda Baarlamaanka

Xildhibaankaan ayaa ka mid ahaa musharixiintii la tartamay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Gacal.

Warar Keydmedia Online
Galmudug: Xildhibaan laga mamnuucay fadhiyadda Baarlamaanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Warqad kasoo baxday Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka maamulkaasi looga mamnuucay Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Calasow.

Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay ka maqnaashaha kulamada qaar iyo sidoo kale falal liddi ku ah geeddi socodka howlaha Baarlamaanka Galmudug.

Warqada kasoo baxday Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la ogeesiiyay Madaxweynaha Galmudug ayaa looga mamnuucay Xildhibaanka kasoo qeyb-galka kal-fadhiga Labaad, waxaana sidoo kale laga joojiyay gunadii uu qaadan jiray.

Xildhibaankaaan ayaa ka mid ahaa musharixiintii Kursiga kula tartamay Dr Maxamed Nuur Gacal xilligii doorashada, lamana oga in arintaan in ay la xiriirto xurguf ka dhaxeyso labada Siyaasi marka laga soo tago eedaha loo jeediyay Xildhibaan Calasow.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.