Galmudug oo ka hor timid Gudiga Dib u Eegista Dastuurka Madaxa Banaan

Gaalkacyo (KON) - Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeeysay si cad uga horyimid Gudiga Dib u Eegista Dastuurka Madaxa Banaan ee Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Galmudug oo ka hor timid Gudiga Dib u Eegista Dastuurka Madaxa Banaan

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Mamaulka Galmudug uusan Aqoonsaneen Gudiga iyo Nidaamka loo Maray Magacaabistiisa.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Galmudug Xasan C/qaadir Xasan ayaa sheegay in Dowladda ay ku Xad gudibtay Qodobadaan Hoos ku Qoran ee Dastuurka ka mid ah,

1 Qodobka 134aad, Firqada 2aad

2 Qodobka 52aad, Firqada (a)

3 Qodobka 51aad Firqadiisa (1)

4 Qodobka 111aad. Firqadiisa (1)

Kuwaas oo dhamaan sheegaya in Maamul Goboleedyada ay Xubno ku yeeshaan Gudiga, wuxuuna Wasiirka Warfaafinta Maamulka sheegay in Maamullada Dalka aan lagala tashan tilaabada ay qaaday Dowladda federaalka.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho