Gawaari muddo jidka ku xayirnaa oo Xuddur gaaray

Gawaari siday badeecooyin kala duwan ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee magaalo madaxda Gobolka Bakool.

Warar Keydmedia Online
Gawaari muddo jidka ku xayirnaa oo Xuddur gaaray

XUDUR, Soomaaliya - Gawaarida maanta gaaray degamada ayaa in muddo ah ku xayirnaa inta u dhaxeysa magaalooyinka Xudur iyo Ceel-barde ee Gobolka Bakool.

Ciidamada xoogga dalka oo maalmihii la soo dhaafay howlgal ka dhan Al-Shabaab ka waday waddada isku xirta degmooyinka Xuddur iyo Ceel-berde ayaa ku guuleysatay in ay si nabad ah gaadiidkaan ku geeyaan magaalada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gooyay wadooyinka gala inta badan degmooyinka ku yaalla Bakool, Keydmedia ayaana hore u baahisay in xaalad nololeed oo aad u daran ay heysato dadka ku dhaqan deganada go’doonka ku jira.

Sare-u-kacii ugu sareeyay ee maciishadda, ayaa laga dareemayaa Suuqayadda Bokool oo dhan, waxayna dadka deegaanku dalbanayaan in xaaladda sii adkaaneysa wax laga qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow, oo warbaahinta la hadlay dhawaan ayaa sheegay  in dadka Gobolku u baahan yihiin garab is tag dhan kasta ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.