Gedo oo 180 tuulo baahi looga qaxay

GEDO(KEYDMEDIA) Wararka laga helayo gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi sabab la xiriirta abaarta ka jirta gobalada kale duwan ee dalka darteed looga barakacay 180 tuulo oo ay daganaayeen dad danyar ah.
Warar Keydmedia Online
Gedo oo 180 tuulo baahi looga qaxay

Dadka ka barakacay tuulooyinka oo duunyo waxay lahaayeen ku waayay abaarta ayaa beegsaday degmada Baardheere iyo magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka iyagoo maciinsaday dad ay ehel yihiin.

Dadkan ka barakacay baahida iyo abaarta ayaa u badan Caruur, Haween iyo dad da’ah waxaana laga dareemayaa tuulooyinkaasi riiqda abaarta iyadoona la arkayo xoolo u geeriyooday abaarta darteed.

Www.keydmedia.net