Geerida Godane - Guuldarro ku timid Howlgalka & Hogaanka Al shabaab: Warbixin

Muqdisho (KON) - Magaciisa oo buuxa waxaa la yiraahdaa Axmed Cabdi Aw-Max’amuud Godane Al-Shabana waxay ugu yeeraan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.
Warar Keydmedia Online
Geerida Godane - Guuldarro ku timid Howlgalka & Hogaanka Al shabaab: Warbixin

Axmed Godane waxaa uu ku dhashay magaalada Hargaysa 10,kii bishii July sanadkii 1977 haddana waxaa uu ahaa 37 sano jir, waxaana dadka taariikhdiisa wax ka qora ay sheegaan inuu kusoo koray nolo agoonimo ah.

Waxbarashadiisa Qur’aanka Kariimka iyo waxbarashada dugsiga hoose dhexe iyo sare waxaa uu ku qaatay magaalada Hargaysa oo hadda xarun u ah M/umlka Somaliland hase ahaatee waxaa uu wax kusoo bartay dalal ay ka mid yihiin Sudan iyo Pakistan sanadihii Sagaashamaadkii kadib markii uu deeq waxbarasho dalalkaasi ka helay.

Waayihii maxkamadaha Islamku ka hano qaadeen gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya sanadkii 2006, Axmed Godane waxaa uu ahaa xog’hayihii guud ee golaha maxkamadaha.

Sanadkii 2008  maxkamad ku taala magaaaladda Hargaysa ayaa xukun dil ah ku xukuntay Axmed Cabdi Godane asagoo aan goob joog aheyn kadib markii lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa qaraxyo ka dhacay qunsuliyadda Ethiopia ee magaaladda Hargaysa.

Axmed Cabdi Aw-Max’ed Godane oo noqday hogaanka Al-Shabab bishii May sanadkii 2008 waxaa uu ka mid ahaa Sideeda ruux ee adduunka loogu doon doonista badan yahay waxaa madaxiisa dul taalay lacag dhan 7 million oo Dollar waxaana aad u doon doonayay Maraykanka.

Axmed Cabdi Godane oo ah nin aad u jecel gabayada inta badan hab raaca gabayadii uu tiriyay Sayid Max’ed C/lle Xasan waxaa la sheegaa inuu mar tagay oo uu ku kasoo dagaalamay dalka Afghanistan.

Sanadkii 2009 ayuu markiisii ugu horeysay hadlay waxaana uu sheegtay inuu wakiil ka yahay ururka Al-Qacida, waxaana uu sidoo kale xilligaas uu ka hadlay ujeedka ay Shabab u aas aasan yihiin.

Dawladaha reer galbeedka waxay Godane ku eedeeyaan  inuu mas’uul ka ahaa weeraro ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibbadiisa waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate ee Nairobi ku yaala oo la weeraray bishii September sanadkii hore ee 2013 waxaana lagu sheegaa inuu ahaa shaqsi baqdin galiya dawladaha ay ciidamada Soomaliya ka joogaan

Intii uu hayay xilka hogaanka Al-Shabab Abu Zubeyr waxaa lagu xasuustaa gabayo uu ku dhiiragalinayay dagaalamayaasha ururkiisa oo uu ku dhiirigalinayay inay dagaalamaan.

Xubno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabab ayaa lagu tuhmaa in amarkiisa lagu dilay waxaana shaqsiyaadkaas ka mid ah Ibrahim “al-Afghani”, Macalin Burhaan iyo Abuu Mansuur Al-Amiriki oo ka mid ahaa ajaanibta Al-Shabab ka bar bar dagaalamaysay.

Sidoo kale waxaa la sheegaa in waayihii dambe ay jireen khilaaf ka dhex jiray oo badankiis Axmed Godane loo tiriyo.

Kowdii bishaan September ayay soo baxeen warar sheegaya in diyaaradaha Maraykanku bartilmaameedsadeen Axmed Cabdi Godane waxaana Maraykanku uu ugu dambeyn ku dhawaaqay 5,ta bishaan in Godane ay dileen, waxaana intaasi ku ekaanaysa muddo 6 sanno ah oo uu Shabab maamulayay.

Maraykanku waa markii labaad oo uu dilo hogaamiye Al-Shabab  bilowgii bishii May  sanadkii  2008 ayaa duqeyn ka dhacday degmada Dhuusa Mareeb eexarunta G/gaduud waxaa ku geeriyooday Aadan Xaashi Ceyrow oo xilligaas ahaa hogaamiyaha Xarakadda Al-Shabab.

Godane tagayee maxaa xiga?

Axmed Cabdi Godane, oo Al shabaab ugu yeeri jiteen Sheekh Mukhtaar (Abu Zubeyr), wuxuu ahaa mid kamid ah Shaqsiyaad gaaraya 8 oo Mareykanka si aad ah in mudo ugu raad joogay.

Waxa uu ahaa Awooda & Maskaxda waday Kooxda Al shabaab, isagoo Mududii Lixda Sano (2008-2014) uu ka dhigay Kooxda garabka kamid ah Al Qaeda waxaana ay noqotay Khatar Caalami & mid Gobolka intaba.

Intii uu Godane Xukunka hayay, Bishii February, 2012, Al shabaab waxa ay shaacisay inay ku biirtay Ururka Al Qaeda, waxaana markaasi wixii ka danbeeyay ay soo jeetay in Indha Mareykanka ay kusoo jeestaan maadaamada ay noqdeen Urur Argagixiso oo Dhibaato u gaysan kara Danaha Xukuumada Washington ee Geeska Africa.

Tan & Isniintii lasoo dhaafay waxaa jiray Mugdi & Shaki badan oo hareeyay Nolosha & Geerida Godane, kadib Weerarkii Mareykanka Diyaaradahiisa Drones-ka ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose, balse Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa Shalay xaqiijiyay Geerida Axmed Godane.

Rear Adm. John Kirby, oo ah Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ku tilmaamay Geerida Godane, "Dharbaaxo weyn oo ku dhacday Hogaanka & Howlgallada Kooxda Al shabaab, maadaama Ninkii Indhaha u ahaa ay waysay Kooxda."

Al shabaab waxaa laga dilay Labo Hogaamiye tan iyo 2008, waxaana hadda Kooxda soo wajahay Guul darooyin waaweyn, kadib markii ay waayeen Dhul badan oo gacanta u galay DFS.

Keydmedia Online // Kulmiye Radio

Hoos ka Dhageyso Warbixinta: