Ghana oo Ciidamo Boolis usoo dirtay Soomaaliya 

Dowladda Ghana ayaa maanta Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan howlgalka AMISOM usoo dirtay Soomaaliya, waxeyna maanta kasoo dageen Caasimadda. 

Warar Keydmedia Online
Ghana oo Ciidamo Boolis usoo dirtay Soomaaliya 

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ghana ayaa Boqol iyo afartan iyo todobo sarkaal oo Boolis ah oo laga soo xulay booliiska gaarka ah ee dalkaas u soo dirtay Soomaaliya, kuwaaso kamid noqon doonaa howlgalka AMISOM ee Magaalada Baydhabo. 

Ciidamadan oo loo dirayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sida ay AMISOM sheegtay suggi doona amniga xiliga doorashada. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.