GMM oo kulan sagootin ah u sameeyay madaxda DG

Madaxweynayaasha Maamullada Puntland, Siciid Dni, Jubbaland, Axmed Madoobe, Koofur galbeed, Laftagareen, Galmudug, Qoorqoor, iyo Hirshabeelle, Guudlaawe, ayaa xalay kulan sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
GMM oo kulan sagootin ah u sameeyay madaxda DG

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharixiinta ee u taaagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan sagootin ah u sameeyay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka, kadib markii uu guul ku soo dhamaaday shirkii Wadatashiga qaran ee dhawaan ka dhacay Caasimadda.

Kulankaan oo ahaa mid loo soo agaasimay si heer sare ah, ayaa casho sharaf loogu sameeyay hoggaamiyayaasha Maamullada waxaana ka soo qeyb galay dhamaan GMM iyo qaar ka mid ah xubnaha xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka.

Wuxuu ahaa kulan is cafis iyo is macasalaamayn ah oo lagu amba-bixinayay Madaxweynayasha”.  Ayuu yiri xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Wadajir oo la hadlay Keydmedia Online.

Shirkii ka horreeyay, kii wadatashiga ee dhawaan la soo af-meeray, qaar ka mid ah Madaxda DXDF, ayaa ka laabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo aan guda u soo galin magaalada, hayeeshee, xasilloonida uu abuuray RW Rooble, ayaa suura galisay in ay dib u soo laabato kalsoonidii siyaasiyiinta ee Farmaajo hore u burburiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.