Go’aanka diidmada muddo kordhina oo si weyn loo soo dhaweeyay

Waxaa si weyn loo soo dhaweeyay mowqifka ay qaateen Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, iyo Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo aaminsan yahay nuu dalka ka badbaadiyay dagaalo daba dheeraada.

Warar Keydmedia Online
Go’aanka diidmada muddo kordhina oo si weyn loo soo dhaweeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Go’aanka ay qaateen Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, iyo Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, waxaana loogu baaqay in ay qaataan go’aamada kale ee adag ka hor imaan doona.

Dhamaan Musharixiinta Madaxweynaha, ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay, waxaana lagu booriyay tallaabada ay qadeen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, iyo Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharixiinta, oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay diidmada muddo kordhinta, waxayna ugu baaqeen ciidamada ka gadoodsan waqti dheereysiga in ay qaataan amarka Ra’iisul wasaaraha, kaas oo ah in ay dib ugu laabtaan xeryahoodi.

Sidoo kale Maamullada Puntland iyo Jubbakad ay Si weyn u soo dhaweeyay halka Maamulka Koofur galbeed uu soo dhaweynta go’aanka maamullada ka gaabsaday hayeeshee uu sheegay in taageerayo in dalka laga qabto doorasho la isla oggol yahay.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaaa deganaan ka duwan midi ka jirtay dhowrkii habeen ee la soo dhaafay, waxaana galabta magaalada qabsaday guguca rasaas loogu dabaal degayay go’aanka ka soo baxay Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle.

Hadal heynta ugu weyn ayaa noqday go’aankaan waxaana caawa Muqdisho u muuqataa mid ka badbaadday dagaalo qaraal oo dhex mara mucaaradka iyo Dowladda waqtigu ka dhamaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.