Gobalka Banaadir oo u digay hey’adaha samafalka

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Maamulka gobalka Banaadir ayaa si kulul ugu eedeeyay hey’adaha gargaarka in ay qeyb ku leeyihiin dhibaatooyinka ay la kulmaan shacabka abaarta ay saameysay ee ay ka midka yihiin amni darada.
Warar Keydmedia Online
Gobalka Banaadir oo u digay hey’adaha samafalka

Gudoomiye ku xigeenka maamulka warsame joodax oo la hadlay saxaafada ayaa qiray in hey’adaha ay yihiin kuwa aan ka fakarinn amaanka iyagoona meela halis ah xiliyada qaar cuntooyin ku qeybiya.

“maamulka uma dulqaadan doona maalin walba laba loor oo bariis ah in shacabka loo laayo, waxaan cadeyneynaa in hey’adii  dayacda nolasha shacabka si cad loo ciqaabi doono” sidaa waxaa yiri warsame joodax.

Kol hore ayaa laamaha kala duwan ee maamulka Gobalka Banaadir waxa ay ku eedeeyeen hey’adaha samafalka u gargaarid la’aanta shacabka soomaaliyeed.

WWW.KEYDMEDIA.NET