Gobolka Benaadir oo agab caafimaad geeyay Martiini + Sawirro

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa agab caafimaad ku wareejiyay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Gobolka Benaadir oo agab caafimaad geeyay Martiini + Sawirro

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta ku wareejiyay agab Caafimaad Wasaaradda Caafimaadka si wax loogu qabto dadka la xanuunsanaya Caabuqa Coved-19 ee ku jira Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dib usoo laba kacleeyay caabuqii Covid-19 iyadoo ay dad badanina u dhinteen, maamulka Gobolka Benaadir oo ka qeyb qaadanaya dadaallada looga hortagayo inuu sii faafo caabuqa ayaa waxay geeyeen isbitaalka Martiini agab caafimaad kaasoo ay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsia oo guddoontay agabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.