Godane oo lagu dilay Weerarkii Baraawe? // NYTimes oo Faafisay Warar Qaldan | Warbixin

Baraawe (KON) - Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in Ciidamadeeda Navy SEALs ay ka qeybgaleen Weerarkii Habeen hore lagu qaaday Magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.
Warar Keydmedia Online
Godane oo lagu dilay Weerarkii Baraawe? // NYTimes oo Faafisay Warar Qaldan | Warbixin

Ciidamada SEALs ayaa Weerar gaadmo ah ku qaadeen Guri ku yaala magaalada Baraawe oo la rumaysan yahay inuu daganaa Axmed Aw-Cabdi Godane.

Ciidamadaan sida gaarka ah u tababaran ayaa diyaarinayeen weerarkaas muddo Toban bari gaareysay.

Ciidamada ayaa ku dagay Guri ku yaala Baraawe waxayna qorshaynayeen inay nolol kusoo qabtaan Nin la rumaysan yahay inuu yahay Axmed Godane, waxayse intaas raaciyeen inay la kulmeen iska caabin, kadibna ay dileen Ninkii ay u socdeen, si degdeg ahna ay ugu yeerteen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo soo daadgureeyay ka hor intii aysan hubin meydkiisa, waa sida ay hadalka u dhigeene.

New York Times ayaa shaacisay in Ciidamada ay Qabteen Hogaamiye ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Saacad kadib waxey soo Qoreen in Hogaamiyahaan la dilay.

Wararka ay soo Qortay NYTimes ma ahan kuwo la Xaqiijiyay, waxaana Saakay la sheegay in aysan Ciidamada Navy SEALs ay u suurtagalin in ay soo qabtaan Hogaamiyahaas, ama dilaan.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay soo weerareen ciidamado Ingiriis iyo Turki ka kooban oo ay iska caabiyeen, laakin Ingiriiska iyo Turkiguba beeniyeen hadalkaas.

Dhanka kale, isla Xalay ayay Ciidamda Mareykanka Weerar gaadmo ah ku qaadeen magaalada Tiriboli ee dalka Liibiya, halkaasoo ay sheegeen inay kusoo qabteen nin ay doondoonayeen oo magaciisa lagu sheegay Abu Anas A-Liibi oo ka tirsanaa ururka Al-Qaacida isla markaana ka tirsanaa raggii weerarka ku qaaday saafaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Darisalaam sanadkii 1998.

Maraykanku waxay sheegeen inay ninkaas nolol kusoo qabteen, halka aysan wali xaqiijin xaalada Axmed Godane ee Baraawe.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho, Wadanka