Golaha ammaanka oo kulan ka leh xaaladda Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta waxa ay kulan Deg-Deg ah ka yeelan doonaan xaaladda Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Golaha ammaanka oo kulan ka leh xaaladda Soomaaliya

Kulankan oo xasaasi ah ayaa lagu wadaa in shirkaan uu magaalada New York ka furmo saacaddu markii ay taay abbare 6:00 PM oo waqtiga Soomaaliya ah.

Waxaa shirkaan diiradda lagu saari doonaa arrimaha ku aaddan doorashooyinka Soomaaliya, waxaana laga soo saari doonaan baaq ku aaddan doorashooyinka iyo in ay xasilooni ku dhacaan.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan in Soomaaliya ay ku laabato waddo si dhib badan looga keenay.

Musharraxiinta Madaxweyne qaarkood waxay aad uga walaacsan yihiin guddiga doorashada oo ay sheegeen iney ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka DFS iyo NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.