Golaha ammaanka Q.M oo ka shiraya arrimaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka shiraya arrimaha Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Golaha ammaanka Q.M oo ka shiraya arrimaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo talaado ah shir gaar ah ka yeelanaya xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya.

Shirkaan waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha muranka badan uu ka taagan yahay ee doorashooyinka dalka iyo sidoo kale Arrimaha Bani-aadamnimada dalka, waxaana warbixin laga dhagaysan doonaa wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Somaliya  James Swan.

Muranka ka taagan doorashooyinka ayaa waxay sababeen in ay dib udhacaan doorashooyinkii Baarlamanka iyo til madaxtinimada, waxaana ka dhashay rabshado ay dad badani ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen.

Sidoo kale dhibaatooyin la xiriira bani-aadanimada ayaa ka dhashay fatahaadihii uu sameeyay wabiga Shabeelle taasoo ay ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho burbur hantiyadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.