Midowga Musharaxiinta oo walaac ka muujiyay Ruqsad bixinta Dowladda

Golaha midowga musharaxiinta oo walaac xoog leh ka muujiyay arrimo ay kamid yihiin Ruqsad bixinta baarista shidaalka Soomaaliya oo loo marayo waddo sharciga hareer marsan.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta oo walaac ka muujiyay Ruqsad bixinta Dowladda

Gole ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo baryahan shirar uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu yimid shir ay kaga arrinsanayaan arrinta buuqa badan dhalisay ee ku aaddan Shidaalka Soomaaliya oo shirkado si hoose loo siiyay qandaraaska baaritaanka. Shirkoodii maanta ay isugu yimaadeen ayey war murtiyeedkan ka soo saareen:

"Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa tallaabooyinka dhabar jabka ku ah mustaqbalka iyo horumarka dadka Soomaaliyeed ee ay qaadayaan Madaxwayne Farmaajo iyo xukuumadda waqtigeedu gabaabsiga yahay.

Golaha wuxuu u arkaa in ay boob hanti qaran tahay in iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala-guur ah, ay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS ku dhiirrato bixinta ruqsadaha baarista Batroolka.

Tillaabadani waxay liddi ku tahay nidaamka dowlad-wanaagga iyo mas’uuliyadda qarannimo, waxay kaloo dhaawacaysaa dadaalkii iyo heshiiska geeddi socodka dayn cafiska ee ay Dowladda Federaalka ahi kula jirto Hay’adda Lacagta Adduunka.

Dowladda Federaalka ayaa ballan qaadday in aan la bixin wax ruqsad ah ka hor intaan la diyaarin, isla markaana la is waafajin, dhammaan shuruucda iyo xeerarka lagama maarmaanka u ah bixinta ruqsadaha baarista Baatroolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Sharciga Baatroolka.
  2. Sharciga Canshuuraha Kheyraadka Dhulka hoostiisa laga soo saaro, kaasoo aan weli Baarlamaanka la horgaynin.
  3. Heshiiska qaybsiga waxsoosaarka oo aan weli la waafajinin sharciga canshuuraha iyo iibka Qaranka.
  4. Sharciga Iibka Qaranka.

Waxaa la wada og yahay in xukuumaddii muddo-gaarsiintu magacawday guddiyo iyo hay’ado dowli ah, oo ay ka mid tahay Hay’adda Baatroolka Soomaaliyeed. Magacaabista hay’adahaasi ma aha kuwo waafaqsan sharciga dalka iyo habraaca magacaabineed intaba.

Goluhu wuxuu ka dalbanayaa Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah in uu ka waantoobo ku takrifalka iyo musuqmaasuqa hantida Qaranka, si deg deg ahna u joojiyo ruqsad bixinta baarista Baatroolka, maadaama uu dalku xilli kala guur ku jiro, si looga badbaado dhac loo geysto kheyraadka dalka oo saameyn taban ku yeelanaya faca nool iyo kan soo socda intaba.

Sidoo kale Goluhu wuxuu shirkadaha doonaya in ay xilligan kala guurka ah heshiis la galaan dawladda uga digayaa in aysan halis gelin sumcaddooda, kuna qatalmin heshiisyo aan shuruucda dalka waafaqsanayn, taabbagalna noqon doonin".

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa xilliga kala guurka waxay uga faa'iideysaneysaa sidii ay mar kale kooxda Villa Somalia maamusha ay u soo laaban lahayd, waxayna xaraashtay qeybo kamida baloog -yadii Shidaalka laga baari lahaa.

Keydmedia Online ayaa shaacisay warkaan labo maalin kahor. Macluumaadka ay heshay KON ayaa sheegayayin magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ay ka socdaan kulamo lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya xili mudo-xileedka dowladda Farmaajo uu sii dhamaanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.