Golaha Wasiirada oo Shir la isugu yeeray

Golaha Wasiirada sii haya yaasha ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan aan caadi aheyn la isugu yeeray labada duhurnimo ee maanta kadib fariimo loo diray. 

Warar Keydmedia Online
Golaha Wasiirada oo Shir la isugu yeeray

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta labada duhurnimo ee xilliga Muqdisho la isugu yeeray shir aan caadi aheyn, kaas oo aan la ogeyn waxa uu ku saabsanyahay.

Fariimo xalay ilaa saaka loo diray Gollaha Wasiirada sii haaya yaasha ah ayaa lagu war geliyay in ay soo xaadiraan kulanka deg deg ah ee maanta la qabanaya.

Macaaluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in kulankaan deg deg ah laga yaabo in uu shir guddoomiyo madaxweyne Farmaajo, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin

Golaha Wasiirada ee xilka haya ayaa ansixiyay go'aano iyo hindise sharciyeedyo mugdi ku jira, tan iyo markii la riday Xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Kheyre, waxaana la duray sharciyadda Xukuumad xil gaarsiineed ay u leedahay inay go'aano gaarto, iyadoo dalka Xukuumad rasmi ah ka jirin, isla markaana Madaxweynuhu aanu weli soo magacaabin Ra'iisul Wasaare.

Shirkaan deg deg ah ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay maalmahaan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadeen mucaaradka Mucaaradka Dowladda iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo.

KON kala soco wixii ku soo kordho 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.