Gollaha Amniga ka go’aan gaarey Burcad-Badeeda Soomaaliya

Mareykanka ayaa qaraarka mudo-kordhinta horkeenay Gollaha Amaanka, waxaana loogu codeeyay si aqlabiyad leh.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Amniga ka go’aan gaarey Burcad-Badeeda Soomaaliya

NEW YORK - Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay qaraar Mareykanka usoo gudbiyay oo mudo-kordhin 3 bilood ah loogu sameeyay howlgal ka socda Soomaaliya.

Mudo-kordhin ayaa siinaysa Ciidanka Caalamka ee ku sugan Xeebaha dalka awood ay kusii wadaan howlgalka ka dhanka ah burcad-badeedada, oo hadda hoos u dhac weyn ku yimid.

Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Baalle ayaa u sheegay Gollaha in aan loo baahnayn xiligan inuu sii socdo howlgalka, maadaama 4 sano aan dhicin weerar lagu afduubey markab.

"Waxaan rumeysannahay in howlgalka laga gaarey hadafkii laga lahaa, loona baahan yahay in hadda lasoo afjaro," Abuukar Daahir Cismaan ayaa u sheegay Golaha kaddib codeynta.

Howlgalka Caalamiga ee la dagaalanka Burcad-badeeda ayaa 13 sano ka socday xeebaha Soomaaliya, iyadoo tan 2017 aan lasoo sheegin wax weerar ah oo lagu qaadey Maraakiibta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay jiri karta suurta-galnimada in Burcad-badeeda dib usoo laabato, hadii xaaladda dhulka ka jirta aan wax laga qaban, gaar ahaan amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 15 January 2022 17:50

Fahad ayaa u xusul-duubaya in degaan doorashadda kursiga ooh adda tahay Beledweyne in loo soo wareejiyo Jowhar, maadaama Muqdisho u dhawdahay, islamarkaana uu amnigiisa ku halleyn karo.