Gollaha Shacabka oo Kulan leh

Xildhibaanada ayaa xalay loo diray fariimo lagu wargeliyay inuu jiro kulan looga doodayo sharci cusub.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Shacabka oo Kulan leh

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarunta Villa Hargeysa waxaa maanta duhurkii kulan ku leh Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee BFS.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Kulamada Gollaha Shacabka ayaa maalmahan dib boorka looga jafay, iyadoo uu dhawaan ansixiyay RW Rooble magacaabistiisa iyo heshiiskii doorashadda.

Baarlamanka ayaa ka shaqeynaya inuu sii joogo illaa laga dhaarinayo Xildhibaanada bedeli doono kuwa hadda fadhiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.