FEIT oo Jadwalka 2aad oo doorasho soo saartey

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee jiritaankooda lagu muransanaa ayaa dib uga dhacay Jadwalkii doorashada ee ay soo saareen kal hore

Warar Keydmedia Online
FEIT oo Jadwalka 2aad oo doorasho soo saartey

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka ee uu RW Rooble magacaabay, kaasoo muran xooggan uu ka jiray jiritaankooda ayaa markii labaad ku guul darreystay hir galinta Jadwalkii ay soo saareen.

Sidii lagu qoray heshiiskii September ku dhexmaray dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah DF waxaa la isla gartay hab raaco doorasho oo muddeysan, waxaana ku qornaa in November ay billaabto tababarrada iyo xareynta ergada soo dooranaysa Xildhibaanada, markii la gaaray muddadii ku qorneed hab-raacaas laga soo saaray shirkii September oo la fulin waayay, ayey guddigii doorashooyinku sameysteen hab-raac kale kaasoo ay Jadwal ugu sameeyeen hannaanka doorashada Xildhibaanada iyo madaxweynaha.

Jadwalkaas ay soo saareen guddiga aan la isku raacsaneen ee u badan xubnaha NISA, Shaqaalaha Villa Somalia iyo Xafiiska RW ayaa dib uga dhacay Jadwalkii doorashada oo ku beegneed maanta in ay soo saaraan Liiska musharaxiinta ku tartamaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS.

Guddiga ayaa goor dhaw soo saaray qoraal ay ku muujinayaan dib u dhaca iyagoo ku sababeeyay codsi ka yimid qaar kamida madaxda dowla goboleedyada oo si gaara u codsaday in dib loo dhigo tartanka kuraasta Golaha Aqalka Sare. Warbixinta ay soo saareen guddiga ayaa lagu yiri sidan:

"Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto" 

Guddigan oo ku xareysan Hotel Decale ee ku dhex yaal gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa halkaas tababar loogu sameeyay, waxayna dhowr mar oo hore ku qabteen Shir Jaraa'id gudaha Hotel ka ay daggan yihiin. Waxay u badan yihiin rag dhallinyaro ah oo aad u isticmaala Baraha Bulshada, markii ay ku arkaan warbaahinta oo wax ka qortay dib udhac ku yimid hab-raacii ay sameeyeen ayey markaa kaddib isku dayaan in ay war saxaafadeed soo saaraan.

Guddigan markiisii hore laguma soo xulin aqoon iyo karti dheeri ah ee ay leeyihiin, balse waxaa loo tix galiyay in ay yihiin rag daacad u ah nidaamka hadda jira ee uu hormuudka u yahay Farmaajo, waxayna kamid yihiin shakhsiyaadka loo xil saaray ololaha doorashada ee mar kale iyo Farmaajo loogu magac daray! Waana sababta ay ku diiddan yihiin qaar kamida madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.