Hogaanka Maxkamadda Sare iyo Hay’adaha garsoorka & amniga oo kulmay

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa kulan gaara la yeeshay qeybaha Garsoorka iyo amniga iyadoo lagu guda jiri xilli kala-guur ah. 

Warar Keydmedia Online
Hogaanka Maxkamadda Sare iyo Hay’adaha garsoorka & amniga oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka, guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xassan Xijaar oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Gle sare farxan Maxamuud, kulankaas ayaana looga hadlayay horumarinta cadaaladda iyo wada shaqeynta labada hay’adood.

Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray cabasho la xiriirta hay'adaha ammaanka ka shaqeeya, iyadoo ciidamo ka tirsan Asluubta ay rasaas huwiyeen gawaari galbineysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo ciidamadii halkaas ku sugnaa laga qaaday laguna wareejiyay ciidamo Boolis ah.

Wada shaqeynta hay'adaha garsoorka iyo amniga ayaa kamida kuwa ugu muhiimsan xilligan kala guurka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.