Guddoomiyihii Garasbaaley oo lagu aasay Muqdisho

Guddoomiyihii degaanka Garasbaalley oo saakay lagu dilay magaalada Muqdisho, ayaa galabta lagu aasay, iyadoo aaska uu kasoo qeyb galay guddoomiyaha Gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Guddoomiyihii Garasbaaley oo lagu aasay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxmuud Maxamed (Cumar Filish) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada Allaha u naxariistee Guddoomiyhii degaanka Garasbaleey Marxuum Abdiraxmaan Axmed Garyare iyo laba askari oo ka tirsaneed ilaaladiisa kuwaasoo galabta lagu aasay magaalda Muqdisho.

Waxa salaadda Janaasada ee marxuumka ka qeb galay ehelada marxuumka iyo dadweyne kale oo soo gaaray goobta lagu aasayay marxuumka,

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa salaaladdi Jimcaha kaddib lagu dilay qarax miino, halkaasi oo ay sidoo kale ay ku dhinteen labo ka mid ah ilaaladiisa oo la socotay xilliga la weeraray guddoomiyaha.

Dhawaan ayey ahayd markii gurigiisa loogu galay kaddibna mindi qoorta looga gooyay guddoomiyihii degmada Xamar Jajab oo ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal Xaafadda Galmudug ee hoos tagta degaanka Garasbaaley xilli habeen ah.

Weerarrada loo geysto mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda ayaa noqotay mid joogto ah, kooxda inta badan geysata weerarada nuucan oo kale ah ee Al-Shabaab ayaa maalinba qof waxay ku dilaan goobtiisha shaqda ama bartamaha magaalada, taasi oo u muuqata mid aan waxba laga qaban karin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.