Egypt releases Somalia girl who killed driver for attempted rape
Gudiga ayaa la filayaa inuu 10 maalin kadib uu qabto doorashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu beegay maalinta dhalinyaradda SYL.
MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Abdiqani Geelle Maxamed, oo laga soo doortay Puntland, ayaa Maanta loo doortay inuu noqdey Gudoomiyaha Gudiga Isku-dhafka doorashadda Madaxweynaha.
Xilkan waxaa u tartamay saddex Musharax, waxaana ku guuleystay Senator Cabdiqani oo helay 10 cod, Maxamed Axmed Beerey 5 cod, halka Senator Cabdi Ismaaciil Samatar uu helay 2 cod.
Waxaa Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed isna loo doortay ku xigeenka gudoomiyaha kadib markii uu helay 9 cod, isagoo ka guuleystay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow.
Codka waxaa dhiibtay xubnaha Gudiga oo ka kooban 17, kuwaasoo shalay la magacaabey, iyagoo ka yimid Aqalka Sare iyo kan Hoose, oo kawada shaqeynaya qabashadda doorashadda.
Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahayd inay dhacdo 8-dii Feb 2021, balse dib u dhacday, iyadoo Farmaajo uu geliyay dalka xaaladda hubanti la'aan ah kadib markii uu mudo-kordhin sameystay, taasoo horseeday dagaal ka dhacay Caasimadda.
Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo 15-ka May, oo ku beegan maalinta dhalinyarada SYL ay aas-aaseen Ururka Gobinimo-doonka ahaa, oo Taariikhda dalka ka galay baal-dahabi ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments