Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda oo Gudoon doortay

Mucaaradka Farmaajo ayaa ku tilmaamay howsha ay gudiyadda qabanayaan inay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, islamarkaana ay qaadacayaan doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda oo Gudoon doortay

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga lagu muransan yahay ee Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta doortay gudoon cusub xili doorashadda ay qaban doonaan ay qaadacadeen Musharixiinta Mucaaradka.

Xilka waxaa u tartamay Cali Maxamed Faarax Seeko iyo Cabdullaahi Abyan Nuur.

Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa ku guulaystay doorashadda, isagoo noqday gudoomiyaha Gudiga Xalinta Khilaafaadka, iyadoo sidoo kale xubnaha ay doorteen gudoomiye ku xigeen, waxaana xilkan usoo istaagay laba musharrax oo kala ah Axmed Saciid Samatar iyo Maxamed Ibraahim Barre

Maxamed Ibraahim Barre ayaa noqday gudoomiye ku Xigeenka Gudiga Xalinta Khilaafaadka Kadib markii uu ku guuleystay cod gacantaag ah oo loo qaaday, isagoo helay codadka 17-kii xubnood ee codeynta ka qeyb qaadanaysay.

Gudiga Xalinta khilaafaadka doorashada, ayaa sidoo kale xoghaye u doortay Farxiyo Xasan Cismaan kadib markii ay heshay 13 cod halka afar qof ay ka aamustay.

Waxaa lagu wadaa in maalmahaa soo socda gudiga doorashadda soo saaro jawdalka lagu qabanayo doorashooyinka Baarlamaanka, oo lagu hormarinayo Aqalka Sare, iyadoo Xubnaha cusub ee soo galaya lagu dooran doono Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.