Axmed Diiriye oo eedeeyay Prof. Jawaari

Muqdisho (KON) - Aydoo Ayaantaa Odayaasha Dhaqanka Gobolada Bay iyo Bakool ay wadeen Maamul ay u sameenayaan Gobolada dhaca Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka soo horjeestay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.
Warar Keydmedia Online
Axmed Diiriye oo eedeeyay Prof. Jawaari

Afhayeenka Golahaasi, Axmed Diiriye waxuu sheegay in Maamul loo dhiso Goboladasi ay yihiin mid horseedi kara Dagaal Sokeeye oo mar labaad dalka ka dhaca, asagoona ku eedeeyey arintaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia Max'ed Cismaan Jawari.

Axmed Diiriye ayaa Prof. Jawaari ku eedeeyay in uu Qorshahaan wado, doonayanah in uu kala qeybiyo umada Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa ku baaqay in laga dheeraado wax walba oo keeni kara is kudhac, maadaama Dadka daga Gobolada Koofur Galbeed Soomaalia aysan u dhameen Maamul laga dhiso Goboladaasi.

Dhawaanahaan waxaa Magaalada Beydhabo ka socday shirar la sheegay in lagu dhisayo Maamulo, Shirarkaas oo uu taageeray Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sh Cismaan(Jawari) in Dadka Goboladaas ku nool ay dhistaan Maamul ay ku mideysan yihiin.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho