Guudlaawe oo labo maalin kasoo daahay Shirka

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin sare.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo labo maalin kasoo daahay Shirka

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saakay Garoonka Muqdisho kasoo degay Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo ahaa qofkii ugu dambeeyay ee la sugayay si uu u furmo Shirka arrimaha doorashadda.

Cali Guudlaawe ayaa usoo dib dhacay sababo gaar ah, oo ay kamid yihiin fatahaado ku dhuftay Jowhar iyo dagaal ka dhacay Khamiistii duleedka magaaladda Caasimadda u ah HirShabelle oo lagu dilay Saraakiil ilaaladiisa katirsanaa.

Waxaa ku sugan Muqdisho hadda dhamaan madaxda Maamullada, iyadoo waxa la sugayay ay tahay inuu shirka furmo saacadaha soo socda ee Maanta oo sabti ah.

Shirka wuxuu ka dhacayaa Teendhada Afisyooni oo amaankeeda ay la wareegeen Ciidanka Dowladda, gaar ahaan booliska iyo kuwa AMISOM. Isu soo dhawaansho wanaagsan ayaa jirta, iyadoo jawi fiican uu ku furmaya kulanka.

Lama oga natiijadda waxay noqon doonto, iyo inuu Rooble sameyn doono tanaasulkii laga waayay Farmaajo si doorashadda dalka loo qabto, oo looga baxo marxladda jahwareerka siyaasadaad.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.