Guuleed “Booliska Soomaaliya ayaa ka tayo Wanaagsan kuwa Ciraaq”

Muqdisho (KON) - Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya uu ka tayo wanaagsan yahay Booliiska Ciraaq.
Warar Keydmedia Online
Guuleed “Booliska Soomaaliya ayaa ka tayo Wanaagsan kuwa Ciraaq”

Wasiirka oo ka hadlayay Tababar loo furayey qaar ka mid ah Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa Amaanay Booliska Soomaaliyeed asigoo sheegay in Hormar weyn ay gaareen Booliska.

Guuleed ayaa sheegay in Booqashadii uu ku tahay Dalka Ciraaq uu kusoo arkay Boolis aan Tayo laheyn, wuxuu sheegay in misaaniyadda Booliiska Ciiraaq ay gaarayso 10 Milyan oo doollar, halka mida Booliska Soomaaliya ay ka tahay 2.5 Milyan oo doollar.

“Booliiska ayaa ammaanka shacabka sugi kara, waayo waa mid ka yimid dad shacabka ah, waxaana looga baahan yahay inay kasbadaan kalsoonida guud ee shacabka si ay wada-shaqeyn uga helaan" Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guuleed ayaa isbarbar dhigay Amaanka Dalka iyo midka Ciiraaq asigoo sheegay in bishii Ramadaan ay ku dhinteen Dalka Ciiraaq 1900 oo Qof, halka Soomaaliya aysan ku dhiman Boqol Qof.

Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Shalay tababar halkaasi uga furmay in kabadan 450 Sargaal oo Booliska Somaliyeed katirsan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 21 October 2020 9:51

Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel lagu sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir, sida ay ogaatay Keydmedia Online.