Hadal-heyn ka dhalatay Askari ka tirsan Haramcad oo la wareystay

Dabayaaqadii bishii aan soo dhaafnay waxaa la weeraray xarunta idaacad madax bannaan oo Muqdisho ku taal, askari ka tirsan ciidanka Haramcad ayaa lagu eedeeyay inuu dhibaato ka geystay xarunta, kaddibna wareysi dheer ayaa lala yeeshay

Warar Keydmedia Online
Hadal-heyn ka dhalatay Askari ka tirsan Haramcad oo la wareystay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadal-heyn xoog leh ayaa ka dhalatay wareysigii lala yeeshay mid kamida askarta Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed kaasoo kamid ahaa shaqkhsiyaad lagu soo eedeeyay in ay dhibaato ka geysteen mid kamida idaacadaha madaxa bannaan ee ka howl gala magaalada Muqdisho, waxaana uu bixiyay dhawaan wareysi ay la yeelatay idaacaddii la weeraray ee Mustaqbal Radio.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliyeed ayaa taxliilin ku sameeyay isagoo wareysiga askariga lala yeeshay dhinacyo badan ka fiiriyay, waxa uuna yiri "Waraysiga askari ka tirsan Haramcad oo ka waramyey dhacdadii lagu qaniimaystay xarunta Warbaahinta Mustaqbal waxaa ku dhexjiray arrimo halis ah oo aan ciidan qaran laga filan karin:

  1. Wuxuu isticmaalay erayga “Qaniimo” oo ah eray ay kooxda shabaabku si xun u adeegsadaan marka ay xalaashanayaan xoolaha dad ay aaminsan yihiin in ay gaalo yihiin..
  2. Wuxuu sheegay in askarta hantidaas ku qamaamtay uu qof walba wixii uu qaadan karo u fasaxan yahay oo aysan jirin isla xisaabtan iyo tirakoob lagu sameeyo wixii meeshaas laga qaaday.
  3. Wuxuu sheegay ciidankaas weerarada iyo hawlgallada ay samaynayaan in taliska Booliska ee uu hoostago aysan wax war ka heyn.
  4. Wuxuu sheegay in ay beegsadaan warbaahinta isticmaasha erayga “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ama madaxweynihii hore”.
  5. Wuxuu sheegay in madaxtooyada uu ka yimaado amarka ay uga hawlgalayaan goobaha iyo shaqsiyaadka ay weeraraan.
  6. Wuxuu sheegay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka hawlgala in weerarada soo socda ay ku soo wajahan yihiin asagoo sidoo kale magacaabay qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka guryahooda in la qaniimaysto in ay amarkeeda haystaan.

La yaab waxa leh askari ka tirsan ciidan qaran inuu isticmaalo asagoon la qasbayn erayo la mid ah kuwa shabaabku sida xun ugu isticmaalaan boobka hantida dadka.

Waxaase in la isweydiiyo mudan ciidamadii amniga dalka in ay ilaaliyaan loo soo tababaray yo in ay ka hortagaan argagixisada in ay noqdaan kuwo erayo dhibaya Farmaajo hawlgaladooda saldhig looga dhigo, amarkana ka qaata xafiiska Villa Somalia.

Wiilkan dhallinyarada ah ee waraysiga bixinayey waxaa ka muuqatay degenaan iyo inuu iska rogayey eedo si gaar ah asaga dusha looga tuuray balse wuxuu daaha ka rogay arrimo dadka badankiisu aysan ogeyn laakin in muddo ah dad xog ogaal ahi ay sheegi jireen.

Askarigan ayaa lagu eedeeyay inuu bartilmaameedsaday qaar kamida wariyayaasha ka howl gala idaacadda la weeraray ee agabka laga qaatay ee Mustaqbal Radio oo kamida idaacadaha madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho, waana askari iyo sawir qaade ka tirsan ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed.

Wariye ka tirsan idaacadda Mustaqbal ayaa yiri "Si xun oo ka baxsan bani'aadanimada ayuu iila dhaqmay, waxaana u haystay inuu yahay mid si gaara la iigu soo diray, wuxuu igu soo fiiqay qoriga isagoo iigu hanjabay inuu idili doono, waxa uu igu xamaalay shamiito iyo walxo culus oo aanan qaadi karin, isagoo iigu hanjabay haddii aan qaadi waayo in uu idili doono"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].