UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Hadal-jeedinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar.
JOWHAR, Soomaaliya - Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa ka soconaya qaban-qaabada doorashada xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa iyadoo xildhibaannadu ay dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta.
Xilka madaxweynaha ilaa iyo hadda waxaa isku soo taagay Cali Maxamed Xusseen Guudllaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenkana ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] oo horey u soo noqday wasiirka maaliyada maamulka Hirshabeelle.
Maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11/11/2020 ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada oo si weyn isha loogu hayo.
Xilka Madaxweynaha waxaa u taagan Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa isna la tilmaamayaa inuu ugu cad-cad yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yusuf Hagar Daba-geed.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments