Halkay mareysaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka?

Guddoonka Golaha Aqalka Sare waxaa isku soo sharraxay Labo iyo Toban Murashax, halka Golaha shacabka ay shahaadada qaateen 25 musharrax, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

News Keydmedia Online
Halkay mareysaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka?

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Doorashada Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka, ayaa ku jira diyaar garowgii ugu danbeeyay ee hoggaan rasmi ah loogu yeelayo Labada Aqal ee sharici dajinta, ugu danbeyn 27-ka bishaan April, sida uu dhigayo jadwalka doorashada Guddiga qaban qaabada.

Maanta ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo is-diiwaan galinta musharixiinta u tartamaaya xilka Guddoomiyaha iyo ku-xigeennada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlaamnka JFS, halka shalay la soo af-meeray  diiwaan galinta musharixiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo socotay muddo saddex maalin ah.

Aqalka sare, Sabtiga iyo Axadda, Musharixiintu, waxa ay Xildhibaannada ka hor jeedin doonaan khudbadahooda, nasiino iyo is diyaarin hal maalin ah ayaa la aadi doono, Isniinta, halka Talaadada la qaban doono doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigennada Golaha Odayaasha.

Aqalka hoose, Sabtiga iyo Axadda, Musharixiintu, waxa ay Xildhibaannada Golaha shacabka ka hor jeedin doonaan khudbadahooda, nasiino iyo is diyaarin labo maalin ah ayaa la aadi doono, Isniinta iyo Talaadada, halka Arbaco la qaban doono doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigennada Aqalka hoose.

Guddoonka Golaha Aqalka Sare waxaa isku soo sharraxay Labo iyo Toban Murashax, halka Golaha shacabka ay shahaadada qaateen 25 musharrax, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Murashaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyha Aqalka sare, ayaa kala ah;

1.Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi

2.Senator Saalax Axmed Jaamac

3. Senator Cismaan Obokor Dubbe

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ayaa kala ah;

1.Senator Cabdixakiin Macalin Axmed

2.Senator Cali Shacbaan Ibraahin

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, aya kala ah;

1.Senator Ilyaas Badel gaboose

2. Senator cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag)

3. Senator Cabdullaahi cali Xersi

4. Senator Sareedo Maxamed xasan

5. Senator Xasan Xuseen xaaji

6. senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)

7. Senator Cabdi Cismaan xareed

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.