Halkuu marayaa diyaar gorowga mudaharaadka jimcaha?

Afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka Cabdullahi Taleefoon oo warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ay wax walba oo lagama maarmaan ah u diyaariyeen dadka bannaan-baxa ka qeyb gelaya birri.

Warar Keydmedia Online
Halkuu marayaa diyaar gorowga mudaharaadka jimcaha?

MUQDISHO, Soomaaliya -  Cabdullahi Taleefoon oo xubin ka ka ah guddiga badbaadada doorashooyinka ay magacaabeen Midowga Muashixiinta ayaa ka hadlay diyaar garowga bannaan-baxa ay mucaaradku iclaamiyeen ee birri la filayo inuu ka dhaco Daljirka Dahsoon.

Wuxuu sheegay in ololihii ugu xooganaa ee mudaharaadka loogu diyaar garoobayo uu ka socdo Xarumaha Xisbiyada Mucaaradka, ayna rajeynayaan in dad aad u badan ka soo qeyb galaan bannaan-baxa.

Waji-xir ‘Mask, ku filan ayuu sheegay in ay u diyaariyeen dibad-baxayaasha, Faraxal, Gawaarida gargaarka degdegga ah iyo dhaqaatiirda caafimaadka ayuu sidoo kale sheegay in goobta bannaan-baxa la geyn doono.

Afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka, wuxuu xusay in Madaxda Mucaaradka iyo Shacabka Muqdisho salaadda Jimcaha ku wada tukan doonaan fagaaraha Dal-jirka Dahsoon.

Cabdullahi Taleefoon wuxxu maalinta Jimacaha ku tilmaamay jimco taariikhda baal dahab ah ka gali doonta, isagoo xusay in dadka mudaharaadka ka qeyb galaya lagu soo daad gureyn doono gawaari loo diyaariyay.

“Xaafad walba iyo meel kasta waxaa lagu diyaarin doonaa baabuur caasiyaal soo qaadi doona meel walba oo ay joogaan Bannaan-baxaasha, waxaan rajeyneynaa Jimcaha dhawaaqa xoriyadda, dimuqraadiyadda iyo sareynta sharciga in ay noqon doonto, Jimco taariikhda Soomaaliyeed gali doonta iyo Jimco qof danbe uusan isku dayin in uu waqti dheereysto”. Ayuu yiri Cabdullahi Taleefoon.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.