Haweeney ka tirsanayd wasaaradda shaqada oo Muqdisho lagu dilay

Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay, haweeneey ka tirsanayd Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, iyadoo ay baxsadeen kuwii dilay.
 

News Keydmedia Online
Haweeney ka tirsanayd wasaaradda shaqada oo Muqdisho lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya- Dabley ku hubeysan bistoolado ayaa caawa gurigeeda oo ku yaalla agagaarka Sayidka ku dhex dilay, haweeney lagu magaacabayey Safiyo Abuukar Karaani, oo ka mid ahayd shaqaalaha rayidka ee dowladda.

Safiyo ayaa ahayd, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, lamana ogga cida dilkeeda ka danbeeysa.

Kooxdii dilka fulisay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaas gaaray ciidamada dowladda, oo aan markii horeba ka dheereyn, maaddaama ay fariisimo ku leeyihiin isgoyska Sayidka.

Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha ayaa ka tacsiyeeysay dilka marxuumad Safiyo, iyagoo hay'adaha amniga ka dalbaday in ay soo qabtaan kuwii gaystay falkaasi.

Sanadkii 2016-kii ayey ahayd, markii qarax lagu dilay, sayiga haweeneyda caawa la dilay, kaas oo lagu magacaabi jiray Muxyadiin Maxamed, horena u soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.

Xaaladda Amni ee Muqdisho ayaa sii xumaaneysa maalinba maalinta ka danbeysa, iyadoo hay'adihii amniga ku shaqada lahaa ay kaalintooda gabeen, waxaase culeyska ugu badan wajahaya dadka rayidka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.