Haweeney Soomaali ah oo ka mid noqoneysa Baarlamaanka Norway

Kaalinta labaad ayay muddo dheer ugu jirtay tartanka xisbigeeda oo ugu dambeyn ku guuleysatay codeyntii ugu dambeysay ee la sameeyay, taasi ayaa u sahashay Maryan Cabdi inay si rasmi ah u noqoto wakiilka Xeer dejinta ee Oslo.

Warar Keydmedia Online
Haweeney Soomaali ah oo ka mid noqoneysa Baarlamaanka Norway

OSLO, Norway- Maryan Cabdi Xuseen oo 35 sanno jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya una tartameysay kursiga Baarlamaanka Oslo ee dalka Norway ayaa ku guuleysatay inay metasho Xisbiga SV ee dalkaasi.

Maryan Cabdi Xuseen ayaa inta aysan siyaasadda ku biirin soo noqotay guddoomiyaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha dalka Norway (Somalisk Student forening).

Kaalinta labaad ayay muddo dheer ugu jirtay tartanka xisbigeeda oo ugu dambeyn ku guuleysatay codeyntii ugu dambeysay ee la sameeyay, taasi ayaa u sahashay Maryan Cabdi inay si rasmi ah u noqoto wakiilka Xeer dejinta ee Oslo.

Tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2020-ka ayay dadaal xooggan ku bixineysay sidii ay ku hanan laheyd xubinimada Baarlaamka, waa  gabahdii ugu horreysay oo Afrikaan ah oo xubin ka noqota Baarlamaanka Norway iyo sidoo kale haweeneydii ugu horreysay oo gasha Aqalka Baarlamaanka Norway iyada oo xijaaban.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.