Hay’adda Culumadda: “Al Shabaab waa Argagixiso aan Diin Islaam Shaqo ku laheyn”

Muqdisho (KON) - Hay'adda Culumadda Soomaaliyeed ay waxay Baryahaan kulamo kala duwan ku lahayeen Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxay Bayaan ay ku sheegayan in ay Xaq tahay in lala Dagaalamo Argagixisadda Kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Hay’adda Culumadda: “Al Shabaab waa Argagixiso aan Diin Islaam Shaqo ku laheyn”

Gudoomiye Kuxigeenka Hay'adda Culumadda Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo Warbaahinta Muqdisho la hadlay in Culumaddu ay u arkaan Xaq in la iska qabto kuwa Argagaxa ku haya Dadka Islaamkaa oo isku qarinaya adeegsanayana Magaca Diinta Islaamka, waana soo dhaweyneynaa la dagaalanka iyo Duulaanka lagu hayo Kooxda Al-shabaab iyo Burcadda Badeedda.

Sheikh Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab ay yihiin Argagixiso aan Diinta Islaamka Shaqo ku laheyn, loo baahanyahay in Dadka laga qabto.

Hay'adda Culumadda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Taageeraan oo ay Biyaha u qaadaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo ku howlan Dagaalka “Cadawga“ Kooxda Shabaabka.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa Dagaal ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ka wada Gobolada dalka, iyadoona Goobo badan laga saaray Shabaab tan iyo markii uu bilowday wajiga 2-aad ee Dagaalka Al-shabaab looga soo horjeedo.

Keydmedia Online




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.