Heerarka biyaha webiga Shabeelle oo gaaray heerarkii hooseeyay

Ku dhawaad ​​2 milyan oo qof ayaa ku nool degmooyinka uu maro webiga, iyadoo ku xiran webiga Shabeelle wax soo saar cunto & hab-nololeed.

Warar Keydmedia Online
Heerarka biyaha webiga Shabeelle oo gaaray heerarkii hooseeyay

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee (FAO), ayaa sheegtay in biyaha Webiga Shabeelle uu gaarey heerkii ugu hooseeyay Taariikhda.

Webiga oo ah midka ugu dheer dalka Soomaaliya ayaa hal mar biyihiisa joogsadey horaantii bishan January 2022, waxaana taasi hay'adda FAO ku tilmaantay wax aan horey loo arag.

Degaanada ku teendsan Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa markii hore laga dareemay hoos u dhaca Biyaha, maadaama ku dhaw yihiin xadka Itoobiya ee Webiga kasoo gala.

Waxay arintan saameysay ku dhawaad ​​2 milyan oo beeralay ah, oo ku nool degmooyinka uu maro webiga Shabeelle oo laf-dhabar u ah wax soo saar dalaga beeraha iyo hab-nololeedka.

Keydmedia oo sababta hoos u dhaca biyaha u kuur-gashay, ayaa la hadashay dhowr qof oo ku sugan G/Hiiraan, kuwaasoo sheegay inay ka shakisan yihiin in laga xiray dhanka Itoobiya.

Madaama ay Itoobiya ka jiraan roobab yari, oo biyaha beeralayda dalkaasi u baahdeen, waxaana u maleynayaa in sidaas loo xiray biyihii soo aadi jiray Soomaaliya," ayuu yiri nin reer Beledweyne ah, oo magacaabiisa kusoo koobey Shabeellow.

Jaantuska heerka Hoos u dhacay Webiga Shabeelle bishan January 2022. [Sawirka: FAO]

Webigani ayaa kasoo burqadaa dhulka sare buuraleyda wadanka Itoobiya, wuxuuna dhaxmaraa gobolada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhererkiisu wuxuu gaaraa ilaa 1500-KM, waxaana Dhulalka uu maro caan ku yihiin dhulbeereedka. Magaalooyinka uu mara ayaa kala ah Beledweyne, Buulo burte, Jowhar, Balcad
Mahadaay, Afgooye, Sablaale, Qoryooley, Bariire, Awdheegle, Mubaarak iyo Janaale, iyadoo uu ku dhamaado degaanka Dhaay-Tubaako.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.