Kalluumeysiga sharci darrada ee ka socda Xeebaha Soomaaliya

Waxa kordhaya kaluumeysiga sharci darrada ah, iyo haamaha sumeysan ee la dhigayo xeebaha Soomaaliya, mana jirto cid u taagan wax ka qabashada dhibaatada lagu hayo biyaha Dalka.

Warar Keydmedia Online
Kalluumeysiga sharci darrada ee ka socda Xeebaha Soomaaliya

KISMAAYO, Soomaaliya - Awooda dowladdnimo oo liidata iyo in Soomaaliya, oo aan lahayn Ciidan badeed kontorooli kara xeebaha Soomaaliya, ayaa noqday fursad ay Maraakiibta Shisheeye uga faa'ideysan karaan Kheyraadka ceegaaga badda dalka, oo dherarkeedu gaarayo 3,333KM.

Waxaa mid isa-soo tareysa noqotay Kalluumeysiga sharci darrada ah, ee ay wadaan Maraakiibta shisheeye, waxaana ugu badan kuwa laga lee yahay dalalka ku yaala Qaaradaha Afrika, Asia iyo kuwa reer Yurub ah, oo xaalufin baahsan ku haya kalluunka nooca ugu qaalisan ee TUNA.

Maraakiibtan jiriifka ah ayaa bada Soomaaliya ka daad-gureysta noocyada kala duwan ee kalluunka, iyagoo halkii mar la baxa xadi kalluun oo aad u badan, waxaana ay aad uga howlgalaan aagga dhaqaalaha badda Soomaaliya ee loo yaqaano (EEZ).

Kalluumeysiga sharci darrada oo bilawday wixii ka danbeeyey bur-burkii dowladdii dhexe, ayey daraasad la sameeyey sanadkii 2000 lagu xusay, magacyada qaar ka mid ah dalalka sida sharci darrada ah uga faa'ideystay xeebaha Soomaaliya, waxaana ku jiray Masar, Giriiga, Kuuriyada Koonfureed iyo Taiwan.

Maraakiibta ayaa sidoo kale sameeya hab deggaan bur-burin ah, iyagoo xeebaha dalka ku quba haamo sun ah iyo kiimikada haraadiga Warshadaha wadamada horumaray, kuwaasoo bilihii ugu danbeeyey ku soo caaraariyey xeebaha Cadale, Jazeera Iyo Baraawe, islamarkaana cabsi badan ku abuuray dadka degaanka.

Haamahan sumeysan ayey dadka Magaalooyinka xeebaha ku nool ka dhaxleen, xanuuno kala duwan, iyadoo dadka ukuur galay ay tilmaamayaan in qashinkaasi sumeysan ay ka dhashaan xaaladdo Caafimaad darro, oo uu ugu weyn yahay cudurka Kansarka.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada cilmi-baarista arintaasi ku sameysay, iyagoo xogtii ay soo bandhigeena ku sheegay in dhibaato xooggan la gaarsiiyey biyaha Soomaaliya.

Horraantii 1990 Xafiiska degaanka Qaramada Midoobay, ayaa ku eedeeyey Shirkado laga leeyahay Talyaaniga iyo Swizerland, inay ku balameen inay haraadiga warshadaha ku daadiyaan xeebaha Soomaaliya, waxana xaqiqda eedeyntaasi soo baxday 2004-tii markaasoo xeebaha lagu arkay qashinka haamahaasi oo soo caariyey kadib duufaantii sunaamida ee dhacday bishii December 2004.

Agaasimaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Axmed Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyey, haamahaasi soo caariyey iyo kalluumeysiga sharci darrada ee isa-soo-taraya, ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshihii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinkaasi, islamarkanaa ay diyaariyeen rag qubaro ah oo baaritaan ku sameeya waxyaabaha ku jira haamahaasi soo caariyey.

Si kastaba, dadka la socda arimaha Soomaaliya, ayaa ku tallinaya in caqabadahan looga gudbi karo, helitaanka dowlad si buuxda u hanata quluubta shacabka, islamarkaana fiira gaar ah u yeelata illaalinta xuduudaha kala duwan ee dalka sida, dhulka, badda, iyo cirka, waana mid ifa-faalaheedu aanu muuqan oo qaadan karta sanado aad u badan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.